Hanti-dhawrka oo Soo Bandhigaya Musuqa Ka Jira Wasaradaha Dowladda

0
343

Hanti –dhawraha Guud ee dowladda Soomaaliya , Nuur Jimcaale Faarax waxa uu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ay soo gaba-gabeeyeen baaritaan ay ku wadeen musuq-maasuq la sheegay in uu ka jiro wasaaradaha dowladda Soomaaliya.
Nuur Jimcaale, waxa uu tilmaamay in xafiiskiisa uu baaritaan ku sameyay dhamaan 25 wasaaradood ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya, isla markaana natiijada baaritaankii ay sameeyeen ay ka horsheegi doonaan Barlamanka Soomaaliya marka uu fasaxa ka soo laabto bisha soo aadan.
“Waxaa jira dhaqaalo si qaldan loo maamulay inta badan wasaaradaha”. Nuur Jimcaale Faarax Hanti-dhawraha Qaramla Soomaaliya ayaa sidaasi u sheegay wakaalada wararka ee Reuters.
Dowladdu kama jawaabin hadalka ka Hanti dhawraha markii ay Wakaalada Wararka ee Reuters la xiriirtay.
Nuur Jimcaale Faarax uu dhanka kale sheegay in 7 ruux oo kamid ahaa shaqaalaha xafiiskiisa uu shaqada ka ceyriyay markii ay lacago laaluush ah ka qaateen qaarka mid ah wasaaradaha xiliga oo lagu jiray baaritaan.
Horaantii sanadkan warqad loo gudbiyay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa cabasha looga muujiyay Hantidhawrka Nuur Jimcaale Faarax.
“Ra’iisal wasaaraha waxa uu isiiyay codkiisa kalsoonida”. Nuur Jimcaale Faarax ayaa sidaasi u sheegay Reuters isagoo ku sugan Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.
Warbixinta Hantidhawraha ayaa shaki badan galin doonta Rajooyinka dowladda Soomaaliya ay ka leedahay beesha caalamka, oo ku aadan in si toos ah taageerada loo siiyo dowlada Soomaaliya