Xasan Sheikh Oo Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Dhuusa-Mareeb Ee Gobolka Gal-Gaduud.

0
460

hassan_shuusamareebXasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, Iyadoona Booqashada madaxweynaha ay la xiriirtay kadib markii wejigii hore ee shirka maamul u sameynta gobolada dhexe,

Socdaalka madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dhaqangelinta Hiigsiga 2016, oo qodobada ugu muhiimsan ay ka mid yihiin dhameystirka dhismaha dowlad goboleedyada.

“Xasan Sheekh Maxamuud“ Aad baan ugu faraxsanahay horumarka ay sameeyeen odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo qeybaha bulshada, dadaalka ay ugu jiraan dhismaha maamulka gobollada dhexe, dowladduna si buuxda ayay u taageersan tahay una garab istaageysaa hawlahan maamulka lagu soo dhisayo”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha Booqashadiisa ayaa ku soo beegmesya, xilli odoyaasha shirku uga socdey Dhuusamareeb ay soo saareen war murtiyeed ay ku sheegayaan in Shirka maamul u sameynta Gobolada dhexe uu ka furmaayo Dhuusamareeb maalinta Arbacada ah ee 25.02.2015, iyaga oo sheegay in ay ka qayb-qaadanayaan 510 ergay.

Tani ayaa ah mid khilaafsan sida uu horey Madaxweynuhu u sheegay oo ahayd in shirka dib u heshiisiinta beelaha goboladaas uu ka dhacaayo Dhuusamareeb, halka shirka maamulka lagu dhisaayo lagu qaban doono Cadaado.