Dowladda Soomaaliya Oo Canbaareysey Wasiiradda Arrimaha Dibadda Ee Sweden.

0
475

European Commission Vice President Wallstrom speaks at Brdo pri KranjuWar-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Sweden haweeneyda la yiraahdo Margot Wallsatröm.

War-saxaafadedka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ay canbaareyneyso hadaladii ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden, ee ay faraha la gashey arrimaha daakhiliga ah ee Boqortooyada Sucuudiga.

Waxaa lagu sheegey War-saxaafadeed-ka in dhaqanka caynkaas ah uu yahay mid meel uga dhacaaya Diblomaasiyadda iyo sharciga caalamiga ah ee qeexeya xiriirka u dhexeeya dalalka madaxa banaan.

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri Diinta Islaamka iyo shareecaduba waxay la timid in la xaqiijiyo dadka sharaftiisa, xoriiyaadka iyo sharafta bini’aadamka.

Ugu danbeynti ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka in hadalka ka soo baxay Sweden aanu meelkadhac keliya ku ahayn Sucuudiga iyo garsoorkiisa ee uu taabanayo dhamaan Muslimiinta oo dhan.

Dalalka Sweden iyo Sucuudiga waxaa u dhexeeyey muran ka soo bilowdey markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sweden Margot Wallstrom ay ku canbaareysey Boqortooyada Sucuudiga sida ay ugu tuntaan xuquuqda bini’aadamka iyada oo daba joogtey xirig loo geystey nin is-xilqaame ah oo Internetka wax ku qori jirey (Blogger).

Dhacdadaas ayaa sababtey in Sucuudigu ka hor-istaago Margot Wallstrom khudbad ay ka jeedin lahayd shirkii dalalka Carabta ee horraantii bishan Maarso Qaahira ka dhacay iyada oo marti sharaf ahaan loo casumey kadib markii Sweden ay aqoonsatey Falastiin in tahay Dowlad Madaxbanaan.

Sucuudiga ayaa u yeertey Safiirkoodi Stockholm u fadhiyey, waxaana dalka Sweden uga jawaabey inay soo afjaraan heshiiskii ganacsiga hubka ee ay la wadaageen Sucuudiga.

Dowladda Sucuudiga ayaa taas uga jawaabey in uu joojiyey bixinta Dal-ku-galka ama Visaha ee ganacsatada iyo shaqaalaha Sweden u dhalatey ee danaha ka leh dalka Sucuudiga.

Dalka Sweden ayaa ku kala qaybsan xiriirka xumaadey ee Sweden iyo Sucuudiga waxaana ay wadaan dedaal lagu doonayo in cilaaqaadka sideedi loogu soo celiyo.