Soomaalida ku nool USA oo aan wax lacag ah usoo diri karin ehelkooda {Sir}

0
465

Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayey ku adak tahay in ay qoysaskooda lacago usoo diraan laga biloobo 6-da bishan Febraayo, kadib markii uu Bankiga Majes Bank of Calofornia sheegay in uu xiraayo dhamaan koontooyinka ay ku lahayeen xawaaladaha Soomalida.
Bankiga Majes Bank of Calofornia waa bankiga ay isticmaalaan 70 ilaa 80% xawaaladaha Soomaalida.

27-kii bishan ayuu Bankigu warqad usoo diray dhamaan xawaaladaha Soomaalida isagoo u sheegay in uu ka xun yahay in uu xiriirka u jaro,laakiin markii ay xaawaaladuhu la xiriireen ayna weydiiyen sababta waxaa uu u sheegay in ay tahay cadaadis kaga yimid dhanka dowlada.

Warqadan oo Bankigu uu soo diray 27-kii bishii dhamaatay ee Janaayo ayaa waxaa ku qorneyd in xayiraadan ay dhaqan gali doonto 6-da bishan Febraayo, taas oo culees badan ku ah shacabka Soomaaliyeed ee kunool Mareykanka.

Dowlada Mareykanka ayaa la sheegay in Bankigan ay cadaadis ku saartay hubinta lacagaha uu diro ,cida direysa iyo cida loo diraayo taas oo keentay in Bankigu uu qaato go,aankan