Ethiopia oo markii ugu horeysay ka hadashay Markab hub sida oo lagu qabtay Berbera

0
489

Ethiopia ayaa sheegtay in ay sargaal sare u dirtay markabka hubka sida ee lagu qabtay Dekada magaalada Berbera kaas oo soo eegaya xaalada markabkaas
Brig Gen BerheTesfaye waa wakiil Ethiopia u jooga Somaliland waxaa uu iska fogeeyay in Ethiopia ay ku lug ku leedahay is qab qabsiga hubka saaran markabkaan.

Ambasador Berhe Tesfaye ayaa beeniyay in uu isagu tagay Berbera laakiin waxaa uu difaacay go,aankii ay sargaal ka tirsan xafiiskooda ugu direen Markabkaan la isku heysto.

“Xaq ayey u leedahay Ethiopia in ay kormeerto xaalad walba oo ka jirta gobalka gaar ahaan wadamada ay dariska yihin ayuu yiri Brig Gen BerheTesfaye.

“Hubkaan anaga shuqul kuma lihin, sida laga yeelaayo waxa ay u taala Somaliland waase in uu ku dhamaada xaalad lawada og yahay ayuu hadalkiisa kudaray.

Dhowaan Puntland ayaa ku eedeysay Somaliland in ay la dagtay hubkii saarna markabkan