Dowlada Mareykanka ayaa xaqiijisay in Duqeyn dhanka Cirka ay sabtidii lasoo dhaafay ka fulisay Magaalada Diinsoor ee Gobolka Baay, Duqeynta ayaana lala eegtay mid kamid ah saraakiisha sar sare ee Xarakada Al-Shabaab.
Sargaal katirsan Xarunta Pentangon-ka Dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Admiral John Kirby, ayaa sheegay in weli ay wadaan xaqiijinya natiijada ka dhalatay weerarka dhanka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha loo yaqaano Drones.
Xarunta Pentangon-ka ee Maraykanka ayaa sheegtay in Duqeynta ay fuliyeen Diyaaradhooda dagaalka lagu bartilmaameedsanayay Madaxa Sirdoonka Xarakada Al-Shabaab ninka lagu magacaabo Yusuf Deeq.
Admiral John Kirby, ayaa xusay hadii la xaqiijiyo in Duqeyntaasi lagu dilay Sagaalkan sare ee katirsan Al-Shabaab in dhabar jab weyn ku noqon doonto Al-Shabaab ,oo horey Duqeymo looga dilay Saraakiil sar sare .
Wali lama xaqiijinin Dilka Sargaalkan sare ee katirsan Xarakada Al-Shabaab ee duqeynta lala eegtay, waxaa sidoo kale la heyn qasaaraha ka dhashay duqeyntaasi oo la tilmaamay in ay aheed mid aad u xooganeed.
Al-Shabaab wali kama aysan hadlin Warka kasoo baxay Dowlada Mareykana iyo duqeynta lagu bartilmaameedsaday sargaalkan sare ee katirsan Kooxdooda, mana jiro ilo kale oo madax banaan oo xaqiijinaya qasaaraha ka dhashay Duqeynta uu Mareykanku masuuliyadiisu sheegtay





