Cabdi Wali Gaas iyo Sheekh Axmed Madoobe oo maanta imaanaya Magaaada Muqdisho

0
484

Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntiland Cabdi Wali Maxamed Cali (Gaas) iyo Madaxweynaha Maamul Goboleedka Jubbaland Sheekh Axmed Mdaoobe.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Masuuliyiintan iyo xubno kale oo iyana kasocda qaar kamid ah Maamul Goboleedyada dalka ka jira in ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb galaan Shir looga tashanayo Aayaha Soomaaliya iyo Hiigsiga 2016-ka.

Shalay Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu hogaaminayo, waxa ayna masuuliyiintan matalaya maamul Goboleedyada dalka inta ay Muqdisho joogaan la kulmi doonaan Madaxda sare ee Dalka.

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka ka jira ayaa inta badan looga baran in ay yimaadaan Magaalada Muqdisho, waxa ayna taa badalkeeda safaro badan ku tagaan Dalalka Itoobiya iyo Kenya ay tagaeero ka helaan