Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sameestay kudlad ay ugu magacdareen Badbaado Qaran, Xildhibaanadan ayaana ahaa kuwii difaacayay Ra’izul Wasaarihii hore Xukuumada Somalia Cabdi Wali Sheekh Axmed.
Xildhibaanada Badbaado qaran ayaa kaalin muiim ah ka qaatay in la fashiliyo Golihii Wasiirada uu dhawaan soo dhisay Ra’izul Wasaare Cumar Cabdirashiid , taa oo ugu dambeyn keentay in lakala diro kahor inta aan Baarlamaanka la horgeyn.
Sida aan Wararka ku heleyno Xildhibaanada ku midoobay Badbaado Qaran ayaan aheen kuwa ay ka go’antahay magaca ay huwan yihiin balse waxaa lasoo warinayaa in ujeedkoodu yahay in ay Mucaaradnimada ku helaan Xilal ama lacag tii suurto gal noqota.
Xildhibaanadan ayaa mararka qaarkood waxa ay ku kulmaan mid kamid ah Hoteelada Magaalada Muqdisho halkaas oo markii ay ku qadeeyaan kadib Warbaahinta kula hadlaan, waxa ayna inta badan baaq u diran Ra’izul Wasaaraha ku jahwareersan dhisida Xukuumada Cusub.
Xafiiska Ra’izul Wasaaraha Soomaaliya ayaa mararka qaarkood waxaa lagu arkaa Xildhibaanadan iyaga oo kala dhuumanaya nin walibana uu si hoose xil uga doonayo Ra’izul Wasaaraha, waxaana dhacda Xildhibaanadan in ay marna wada joogaan marna ay u kala dhuuntaan Xafiiska R/Wasaaraha.
Xildhibaano isku beel ah balana ay ka dhaxeysay ayaa dhoor mar iyaga oo midba midka kala ka dhuumanaya waxa ay isku arkeen Xafiiska Ra’izul Wasaaraha, waxa ayna taasi dhalisay shaki soo kala dhax gala Xildhibaanada ku mideesan Badbadao qaran dhaxdooda.
Xildhibaano katirsanaa Kudlada Badbaado Qaran ayaa kooxdaasi isaga baxay kadib markii loo sameeyay balanqaad ku aadan in Golaha Wasiirada lagu soo darayo , waxaa iyana jira Xildhibaano kale oo iyana kooxdan Mucaaradka ku ah Siyaasada Madaxweynaha kusoo biira kuwaa oo iyana gor gortan ku gala magaca Kooxdaan.
Kudlada Badbaado Qaran Xildhibaanada isku baheestay waxaa u badan xubno horey Wasiiro uga soo noqday Xukuumadihii kala duwanaa ee Dalka soo maray, waxaa sidoo kale kooxdan ku jira Xubno in badan kamid ahaa Baarlamaanadii KMG kuwaa oo si weyn u yaqaan kicinta iyo abaabulka xiliyada ay xiisadaha Siyaasadeed dalka ka jiraan





