Sharmarke Xaaji Cabdi Nuur oo loo doortay Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Angola

0
355

Is qab qabsi iyo hogaan la,aan soo jiitameysay mudo sanad ah kuna saabsaneyd qabashada Hogaanka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Angola, ayaa ugu dambeyn lagu guuleestay in la xaliyo lana dhiso Hogaanka Jaaliyadaasi.

Mudo 2 bilood ka hor ah ayaa arinta la xariirta is qab qabsiga Hogaanka Jaaliyada Dalka Angola waxa ay gaartay dowlada Dalkaasi iyo laanta qoxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR, waxa ayna labada dhinacba go,aamiyeen in la doorto hogaanka ay yeelaneyso Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool Dalka Angola.

Waxaa dhawaan Caasimada Dalka Angola ka dhacday doorasho ay gar wadeen iyo kor joogta ay ka ahaayeen UN-ka iyo dowlada Angola, waxanana doorashadu ka dhacday hool weyn oo dowladu diyaarisay, inta aysan bilaaban codeynta ayaa musharaxiinta mid walba waxa uu jeediyay Khudbad uu kaga hadlayo wax qabadkiisa hadii la doorto.

Waxaana ku dartamayay Hogaanka Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Angola labada nin ee kala ah Sharmarke Xaaji Cabdi Nuur iyo sidoo kale Yuusuf Xaaji Maxamed ,

Waxaa ugu dambeyn doorashadii dhacday loogu doortay Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Angola (JSA) 4 sano ee soo socoto Sharmarke Xaaji Cabdi Nuur oo helay codad badan oo usuurto galisay in uu guuleesto.

Musharaxii looga guuleestay Hogaanka Jaaliyada Dalka Angola Yuusuf Xaaji Maxamed oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay sida ay doorashada u dhacday uuna u hambalyeenayo Walaalkiis ku guuleestay qabashada howshaasi adag.

Gabagabdii waxaa goobta ka hadlay Gudoomiyaha cusub ee Jaaliyada Dalka Angola Sharmarke Xaaji Cabdi Nuur , waxa uu balan qaaday in uu wax badan u qaban doono Jaaliyada Soomaaliyeed uuna ka shaqeyn doono iskuxirnaanta iyo wada shaqeynta , waxa uuna sidoo kale sheegay in uu dadaal badan ku bixin doono sii deynta dadka Soomaaliyeed ee ku xiran Xabsiyada Dalka Angola iyo kuwa dhibaatooyinka kale dalkaasi kala kulma.

Soomaalida kunool dalka Angola ayaa si weyn usoo dhaweeyay Hogaanka Cusub ee Jaaliyada Dalka Angola yeelatay, waxa ayna balan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan ayna garab istaagi doonaan Gudoomiyaha Cusub ee Jaaliyada Dalka Angola.