Xarakada AL Shabaab ayaa sheegtay in ay ka danbeeyeen qarax maanta lagu dilay duqii Magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose

0
493

War qoraal ah oo ay Xarakada AL Shabaab soo saareen ayaa waxa ay ku cadeeyeen in ay lee yihiin mas’uuliyadii qaraxii lagu dilay duqii Afgooye, kaasi oo ku dhintay qarax wadada dhinaceeda la dhigay oo ka dhacay deegaanka Xaawo-Cabdi ee gobolka Sh/hoose.

Al Shabaab ayaa sheegay in qaraxa lagu dialy Cali Cadoow ay fuliyeen koox gaar ah oo u tababaran qaarajinta mas’uuliyiinta dowladda sida ay hadalka u dhigeen.

Cali Cadoow duqii degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose iyo qaar kamid ah ilaaladiisa ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay deegaanka Xaawo-Cabdi ee gobolka Sh/hoose

Qaraxyada Abaabulan Dilalka Qorshesan Lagu Qaado Masuliyiinta Dowlada Kuwa Amisom Ayaa Intabadan Waxaa Shekta Dhaqdhaqaaqa Al shabaab Mana ahan markii Ugu Horeesay Dil ey u gestaan Alshabaab Gudomiye Dagmo