Wiil Soomaali ah oo walaalkiis ka yar ku dilay Minnesota

0
524

Labada walaala ah ayaa la shaciyay in ay heleen bistoolad la aaminsan yahay in uu aabahood lahaa kadibna waa ay ku ciyaareen iyagoo aan ogeyn in ay xabad ku jirto waxaana taas ay keentay dhimashada Suhayb Jamal.

Wiilka wax dilay oo 15 jir ah ayaa booliska wacay isagoo u sheegay in uu walaalkiis dhintay markii uu mindi la kufay isagoo ciyaaraya kadibna isku muday ,laakiin si caadi ah ayuu wax walba u sheegay markii ay boolisku yimadeen goobta.

“Waxaan aaminsanahay xiligaasi in uu aad u cabsanayey, maxaa yeelay waxaa uu ogaa in aysan ahayn in uu ku ciyaaro hub, waxaana uu dareemayey in uu taasi dhib ku muddan-karo,” ayuu yiri Desiree Schroepfer, oo ah dambi baare.

Boolisku waxaa ay sheegeen in labada wiilba loo maleynaayo in aaney ka warheynin in ay xabad raacsan tahay bistoolada