Madaxweyne Gaas ayaa qado sharaf u sameysay ganacsatadan waxaana kulanka kadib uu sheegay in ay ganacsadataan u yimaadeen Puntland in ay maalgashi balaaran ku sameeyaan deeganadaas.
Waxaa uu qiray in maalgashigaan ay kaa’iideysan doonaan dhamaan reer Puntland,halka uu ganacsada reer China ka codsaday in ay deg deg u hir galiyaan mashaariiicda.
Chines-kii tagay Puntland ayaa iyaguna balan qaaday in ay deg deg u maalgashan doonaan magaalooyinka muhiimka ah ee mamulkaas.
Gaas waxaa uu horey u sheegay in sanadkan 2015 uu Puntland keeni doono dad wax maal galin kara oo ajaanib ah waxeyna u muuqatay in uu balankii oofiyay





