Safiirka Britain Ee Somalia IYo Xasan Sh.Oo Maanta Ka Wada Hadlay Khilaafka Isaga Iyo C/wali.

0
486

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta waxa uu Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Britain ee Somaliya Amb. Neil Wigan, kaasoo ay ka wada hadleen khilaafka kala dhaxeeya Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Madaxweynaha iyo Safiirka, ayaa waxay isla gorfeeyeen sidii looga gudbi lahaa khilaafka hadda jira, isla-markaana looga baaqsan lahaa dib u dhac ku yimaada hanaanka Dowladnimo ee Somaliya.

Safiirka, ayaa bogga uu ku lee yahay Shabakada Bulshada Xiriirisa ee Twitter-ka, wuxuu ku sheegay sida lagama maarmaan u tahay inaanay Somaliya ka leexan wadada ay iminka cagta ku heyso.

Safiirka, ayaa muujiyay inaanay Britain raali ka ahayn dib u dhac uu ku yimaado Dowladnimada Somaliya, isla-markaana ay taageereyso hiigsiga sanadka 2016-ka ee Somaliya.

Diblomaasiyiinta shisheeye ee ka hawlgala Magaalada Muqdisho, ayaa siyaabooyin kala duwan ula kulmaaya Madaxda Dowladda, waxayna kala hadlayaan inaan mugdi la gelin soo kabashada Somaliya.

Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa sidoo kale waxa uu ka qayb qaadanayaa dadaalada leeskugu soo dhaweynaayo Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, si looga baaqsado mooshinka.

Khilaafka Madaxda Dowladda, ayaa Sabtidiii maanta ahayd jirsaday toddobaadkiisii saddexaad.