Muqdisho Oo Lagu Soo Bandhigay Sharci Ka Hortaga Falalka Kufsiga.

0
511

Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Aadanaha ayaa maanta Muqdisho ku qabatay kulan lagu soo bandhigayey hindise sharciyeed ka hortagaya falalka lidka ku ah bini aadantinimada sida Kufsiga tacadiyaha loo geysto haweenka iyo Carruurta.

Soo bandhiga Hindisahan waxaa ka qayb galay hay’adaha Qarmada midoobay ee ka shaqeeya arrimaga bini aadantinimada, Xuquuqda Carruurta iyo Haweenka, Masuuliyiin ka socda dowladda federaalka iyo Wasiirada Haweenka Soomaaliya.

Wasiirada Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Aadanaha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa faafaahin buuxda ka bixisay sharcigan ka hortaga tacadiga haweenka iyo Carruurta kaa oo ay sheegtay inay ka soo shaqeeyeen khuburaqo dhanka xuquuqda Haweenka iyo Carruurta ku takhasusay.

Marwo Khadiijo waxay sheegtay in hadii sharcigan ay ansixiyaan Baarlamaanka Soomaaliya uu noqon doona mid meesha ka saara tacadiga loo gaysto Haweenka oo uu ugu weyn yahay Kufsiga la gula kaco haweenka da’kasta ay yihiin ka dib markii qodobada ku jira uu qabto.

Hindisahan oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa oo ay soo saarto Wasaarada Haweenka ayaa waxay u gudbinaysaa golaha wasiirada dowladda federaalka Soomaaliya iyagoo markaa ka dib u gudbin doona si loo meel mariyo baarlamaanka Soomaaliya.