Xasan Cali Geesey Iyo Abukar Xashara Oo Ka Tirsan Maamulka Radio Dalsan Oo Maanta Xabsiga Ay Dhigeen Ciidamada Dowlada.

0
434

dalsan
Hassan Ali Geeseey iyo Wariye Xashara oo labadaba madax ka ah Idaacada Dalsan Ayaa Maanta Waxaa LA Dhigay Xabsiga Godka Jilacow Oo Baryahaamba Caado U Naqatay Wariyayaasha in Si Sharci Daro Ah Logu Xero Halkaasi Iyadoona La Ogsoonyahay In Ay Muddo 20-Maalmod Ay Si Sharci Daro Ah Ugu Jiraan Wariye Max’uud Carab,Wariye Axmed Cabdi Xasan Iyo Milkiilaha Idaacadaha Shabelle Iyo SKY C/Maalik.

Wariyayaashaani Maanta Ay Xabsiga Dhigeen Hay’adda Nabada Sugida Qaranka Ayaa Waxaa loo xiray Ha sheegina wararka dagaalada iyo qaraxyada ay sameeyaan Al-Shabaab, balse ammaanta dowlada un sheega.

Qaar Ka Tirsan Wariyayaasha ayaa isweydiiyay In Radio Muqdisho Ay xukuumada ku filnaan waayey? Ma madaxbanaanidii warbaahinta ayey u badeleen 2014 in warbaahinkasta ay tahay midda dowlada?Miyeysan xasuusan in Al-Shabaab xilliga ay xooga ku heysatay Muqdisho in laga diiday amarkoodii ahaa ” Dowlada waa murted ee warkeeda ma baahin kartaan, islamarkaana diidmadaasi ay warbaahinta ku weysay rag badan oo looga dilaY!!”.

Waxaa xaqiiqo ah in dad dowladnimada magac xumeynaya ay wasaarada Amniga iyo mida warfaafinta u dhiibatay shaqo. Haddana shir ay leeyihiin dhammaan agaasimayaasha warbaahinta Muqdisho ayaa ka socda xarunta Radio Dalsan, waxaana lagu wadaa inuu kasoo baxo go’aan cad oo difaacaya madaxbanaanida warbaahinta. Guusha waa dhawdahay ee dowladnimada hala dhowro iyo xoriyada hadalka.