M/weyne Xasan Sheikh Oo Maanta Dib Ugu Soo Laabtey Magaalada Muqdisho

0
180

xasMudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii booqasho rasmi ah ku tegeen Dalalka Turkiga iyo Kenya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdiga waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in wafdiga Madaxweynaha ay socdaal ku tegeen dalka Turkiga, halkaasi oo ay kaga qeyb galeen xafladdii caleemo saarka ahayd ee loo sameeyay Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, islamarkaana ay Soomaaliya u hayd guul.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdiga la socday ayaa waxa ay booqdeen xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, halkaasi oo ay kula kulmeen mas’uuliyiinta iyo howlwadeenada Safaaradda.