“”Khaliif Ereg”” Waxaan Hogaamiyeyaasha Al Shabaab Ugu Baaqayaa In Mudo 45-Cisho Gudaheed Ay Isku Soo Dhiibaan Haddii Kale….

0
379

Khaliif Axmed Ereg
Mudane Khaliif Axmed Ereg Wasiirka Wasaarada Amniga Qaranka Soomaliya oo ka hadlayey Kulan Golaha Wasiirada ku yeesheen Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay go’aano kasoo baxay kulankaaasi oo amaanka la xiriira.

Wasiirka Amniga Qaranka Dowlada Xukuumada Soomaaliya Mr.Ereg ayaa waxa uu sheegay in ay Xukuumada Soomaaliya Wasiiradii ka qeyb galay kulankaasi isku raaceen in lasii wado dagaalka lagu soo afjarayo Awooda Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale uu Khaliif Ereg sheegay in Xukuumadu Cafis ufidineyso hadii Al Shabaab dadka ku jira ay iskaga soo baxaan waxaana Cafiskaasi uu ku eg yahay muddo bil iyo 15 maalmood ah (45 Cisho gudahood).

Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay cidii uhogaansami weysa baaqaasi inay u arki doonaan dambiilayaal sharcigana la hor keeni doono.