Muwaadin Faransiis Ah Oo Qirtay In 30-Qof Uu Ku Dilay Soomaaliya

0
266

FranceMadaxa maxkamad ku taala magaalada Barasalis ee caasimada dalka Biljimka ayaa maalintii Talaadada waxa ay xukun ku riday muwaadin faransis ah oo oo qirtay in uu ka bar bar dagaalamay dhaq dhaqaaqa Al-shabaab,barayaasha ayaa sheegay in qofkaasi uu 30-qof ugu yaraan uu dilay dagaalka ka socda Somalia.

Rashiid Bin Camaari ayaa lagu xukumay bishii May xabsi 20 sano gaaraya maxaa yeelay waxa uu qirtay inuu kamid ahaa koox dhalinta askareen jirtay kadibna u soo diri jiray Somalia iyo siiriya,isagana waxa uu yimid Somalia si uu al shabab uga bar bar dagaalamo,muwadinkaasi faransiska oo 41-sano jir ah ayaa maxakamdeentiisa waxa ay bilaabatay 10-kii bishii March waqtigaasi uu u xirnaa dowlada Kenya oo xukun hal sano ahj ay ku riday bishii July sanadii 2013-kii waxana ay ku eedeysay in si sharci dara ah uu ku galay dalkaasi kadibna waxa ay 22-kii May ay ku wareejisay dowlada biljimka.

Wakaalada wararka Bilijimka ayaa sheegtay furtitaankii maxkamada malintii talaada ayaa laga horsheegay in rashiid uu qirtay inuu dilay ugu yaraan 30-qof oo Somali ah.

Sidoo kale Bin Camaari ayaa losoo jeediyay eedeyn ku aadan in muwadininta dalka biljimka uu ku boorin jirin arimaha jihaadka inay u dhaqaaqan sida Somalia iyo suuriya sanadihii 2011-ki iyo 2012,waxa uu sidoo kale qirtay inuu tababaro bixiyay uuna ka qeyb qaatay dagaalada al shabaab balse uu iska fogeeyey inuu hogaamiye yahay.

Qareenada eedeysanahaasi ayaa sheegay in ay racfaaan ka qaadan ka qaadan doonan edeynta ay maxmada Biljimka u heesato Bin Camaari.