Boqolaal qof ayaa dibad baxyo ka dhigay xaafado katirsan magaalada Muqdisho kadib markii ciidamada shisheeye ay tacadiyo hor leh geysteen.
Mudaaharaadyo lagu diidanyahay joogitaanka ciidamada AMISOM ayaa maanta duhurkii ka dhacay xaafado ku dhaw qasriga madaxtooyada magaalada Muqdisho.
Goob Joogayaal ayaa sheegay in mid kamida gaadiidka gaashaaman ee AMISOM uu isgoyska Falorensa si bareer ah ugu jiiray canug yar kadibna uu dhanka madaxtooyada u dhaqaaqay Iyadoona
Dadka ku dhaqan degmada Wardhiigleey oo caraysan ay dhanka madaxtooyada U Dhaqaaqey.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka xamaasadeetsan ay waddooyinka taayeero ku gubayaan iyadoona qoyska canugga laga dilay ay warbaahinta Muqdisho ka hadleen.
Ma ahan markii ugu horraysay oo ciidanka AMISOM ay gaadiidkooda gaashaaman si bareer ah shacabka ujiirsiiyaan sanadkan gudihiisa ayay sidaan oo kale wadada makka al-mukarama ugu dileen Nin darawal ah oo kaxaynayay gaari nuuca raaxada ah.




