Xoogaga Hubeysan Oo Weeraray Magaalada Mandhera Ee Dalka Kenya

0
508

Xoogag hubeysan, ayaa waxay xalay weerar hubeysan ay ka geysteen Saldhiga Dhexe ee Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, markii ay ka tallaabeen Xuduuda.

Xoogagaan, ayaa waxay iska caabin kala kulmeen Ciidamada Booliska ee Saldhiga, waxaana halkaasi ku dhex maray dagaal fool ka fool isu bedelay.

Xoogaga weerarka soo qaaday oo tiradoodu lagu sheegay ilaa 10 nin, ayaa waxay dib kaga gurteen aagga Saldhiga Fino, iyagoona dib kaga gudbay Xuduuda Somaliya iyo Kenya.

Sarkaal u hadlay Booliska Kenya, ayaa sheegaaya in laba Saraakiil oo Booliska ka tirsan ay ku dhaawacmeen weerarkaan, wuxuuna meesha ka saaray in cid kale ay waxyeelo ka soo gaartay weerarka.

Xubnaha weerarka soo qaaday oo lala xiriirinaayo Ururka Al Shabaab, ayaa waxaan la garanayn khasaaraha guud ee ka soo gaaray weerarka ay ku qaadeen Saldhiga Mandheera.

Weerarkaan waxa uu daba socdaa weerar kaloo habeenimadii Jimcaha ee toddobaadkii hore ka dhacay Magaalada Mandheera, kaasoo ay masuuliyadiisu sheegatay Al Shabaab.

Weerarada ka dhacaaya Deegaanada Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, ayaa waxaa inta badan sheeganaaya Ururka Al Shabaab.