Dowladda Iyo Al Shabaab Oo Guulo Ka Kala Sheegtay Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Degmada Buulo Burde

0
346

Maamulka Degmada Buulo Burde ee Dowladda iyo Ururka Al Shabaab, ayaa waxay guulo ka kala sheegteen dagaal faraha looga gubtay oo xalay ka dhacay Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha Degmada Buulo Burde Axmed Cabdi Wehliye (Waabweyne), ayaa sheegaaya in xalay ay Shabaabku dagaalo soo noq noqday ku soo kala qaadeen Garoonka iyo Ex Controlkii Cigaal, halkaana ay kula dagaalameen Ciidamada Dowladda iyo Amisom.

Gudoomiyaha, ayaa xusay in Shabaabku ay ka carareen meydadka ilaa 6 nin oo ka tirsanaa, oo midkood uu ku sheegay Amiir, isla-markaana ay baarayaan magacyada iyo teleefanada ragga ay gacanta ku hayaan.

Waabweyne oo la hadlaayay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxa uu meesha ka saaray in dagaalkaan ay waxyeelo ka soo kala gaartay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jabuuti, isagoo sababtuna ku sheegay iyagoo difaac ku jiray.

Dhanka kale Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa waxa uu isna sheegay in dagaalkaan ay ku dileen sagaal ka mid ah Ciidamada Jabuuti, 4 askasri oo kuwa Dowladda iyo gaari, oo ay waxyeelo u geysteen, sida uu yiri.

Sheekh C/casiis Abu Muscab oo la hadlay Radio Andulus, ayaa waxa uu dhankoodu sheegay in 5 askari looga dilay dagaalka, ha yeeshee muusan kala cadayn in meydad dagaalka looga qabtay iyo in kale.

Abu Muscab, ayaa ku faanay in khasaaraha ugu badan dagaalkaan ay ugu geysteen Ciidamada Jabuuti, oo qayb ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.