
Markii uu shalay soo baxay warka ku aadan in Booliiska Kenya ay gacanta ku dhigeen Xasan Xanafi Xaaji oo Al Shabaab ka tirsan, horayna u ahaa Wariye balse markii dambe ku biiray Kooxda Shabaab ayaa Wariyeyaasha Soomaalida qaarkood waxa ay ka hadleen gacan ku dhigista Xasan Xanafi Xaaji.
Shaqsigaan la qabtay ayaa waxaa lagu eedeynayaa inuu masuul ka ahaa dilal dhowr ah oo loo geystay suxufiyiin ka howlgalaysay Magaalada Muqdisho oo ku baxay gacanta Al Shabaab.
Liibaan Cabdi Cali oo ka tirsan Radio Muqdisho, kana mid ahaa ragii ay isla soo shaqeeyeen Xasan Xanafi Xaaji, ayaa ku tilmaamay qabashada Xanafi mid guul ah oo usoo hooyatay suxufiyiinta Soomaaliyeed, isaga oo ka sheekeeyay dhibaatooyinkii uu ugeystay suxufiyiin badan oo Muqdisho ku sugnaa, xilligii Al-Shabaab Muqdisho dhinac ay ka maamuli jireen.
Liibaan Cabdi Cali ayaa tilmaamay in Xasan Xanafi Xaaji uu ahaa shaqsi Al Shabaab u qaabilsan dhagarta Wariyeyaasha, isaga oo ku eedeeyay in uu ka dambeeyay dilal loo geystay Wariyeyaal uu kamid yahay Sheekh Nuur Abkeey oo Radio Muqdisho ka tirsanaa, kadibna Xasan Xanafi uu taleefoon usoo diray una sheegay in meydka Sheekh Nuur Abkeey ay ka qaataan goobta lagu dilay.
Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in cadaalada la horkeeno Xasan Xanafi Xaaji oo loo ciqaabo dambigii uu ka galay Wariyeyaasha Soomaaliyeed oo qaarkood la dilay, halka qaarna laga barakiciyay Magaalada Muqdisho, kadib handadaad joogto ah oo Kooxda Shabaab ay kala kulmeen.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Amb. Maxamed Nuur Cali (Ameeriko) ayaa ka codsaday Dowladda Kenya in loo soo gacan geliyo Xasan Xanafi Xaaji, maadaama uu yahay shaqsi dambiile ah oo Soomaaliya dambi ka galay.
Tallaabada lagu qabtay Xasan Xanafi Xaaji ayaa la sheegay inay iska kaashadeen Sirdoonka Soomaaliya iyo Sirdoonka Kenya, kadibna lagu qabtay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi, inkastoo shaqsiga la qabtay uu diidan yahay inuu yahay Xasan Xanafi oo lagu qaldamay.




