Golaha Waziirada Soomaaliya Oo Ansixiyey Hindiso Sharciyeedka Xakameynta Hubka.

0
186

waziiro
Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana Shir Guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed.

Kulankaan, ayaa warbixin ku saabsan xaalada ammaan ee dalka looga dhageystay Wasaarada Amniga Qaranka, laguna meel-mariyay Hindise sharciyeedka Hubka wax-dila.

Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa ugu horayn warbixin ku saabsan xaalada guud ee amniga dalka ka dhageystay Wasiirka Amniga Qaranka Khaliif Axmed Ereg, waxaana uu tilmaamay in la fashiliyay weeraro ay Nabadiidku doonayeen inay ku qal-qal galiyaan ammaanka Caasimada, sidoo kale waxaa gacanta lagu soo dhigay kooxo dhagar-qabayaal ah oo dilal horay ugu geystay.

“Ciidamadda Ammaanka oo kaashanaya Shacabka Soomaaliyeed waxay ka hortageen Miinooyin la rabay in lagu waxyeeleeyo dadka usoo dalxiis taga Xeebta Liido, waxaa la fashiliyay Shabakad ka jirtay deegaanka Xariryaale ee degmada Wardhiigley labo kamid ah Horjoogayaashii Shabakaddaasna gacanta ayaa lagu soo dhigay” ayuu yiri Wasiirka Amniga Qaranka.

Mudane Khaliif Axmed Ereg ayaa intaasi ku daray “ Howlgallo wadajir ah oo Ciidamadda amnigu sameeyeen Todobaadkan waxaa lagu soo qabtay 11 Horjooge oo ku jiraan labo lagu tuhunsanyahay dilkii Xildhibaan Sheekh Aaden Mad-deer, sidoo kale waxaa la qabtay hub sharci darro ah welina baaritaano ayaa socda, Sirdoonka Soomaaliya iyo Kenya ayaa dhanka kale iskaashanaya waxay gacanta kusoo dhigeen nin lala xiriirnayo Shabaab inuu u qaabilsanaa dilalka Wariyayaasha dhawaana dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo wareejin doonaa ”.

Gabagabadii kulanka ka dib, ayaa goluhu ka doodeen qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay Hinside Sharciyeedka Hubka wax-dila, kaasoo falanqeyn dheer kadib si buuxda loo meel mariyay, dhawaana loo gudbin doono Golaha Baarlamaanka, Sharcigan ayaa awood u siinaya dowladda Soomaaliya in ay xakamayso iibka iyo soodajinta Hubka, waxana arrintay qeyb ka tahay dadaalka la doonayo in lagu xaqiijiyo ammaanka guud ee dalka.