Israsaaseyn Dhaawac Uu Ka Soo Gaaray Takhtarkii Madaxweynaha Jabuuti Oo Ka Dhacaday Garoonka Diyaaradaha Jabuuti.

0
465

jabu
Warar laga helayo dhinaca jabuuti ayaa sheegaya in rasaas laga maqlay garoonka diyaaradaha ee Magaalada jabuuti daqiiqado yar kadib markii uu halkaasi ka baxay Madaxweeynaha wadanka jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayo ay ka soo dageen.
Rasaasta ayaa la sheegayaa in ay garoonka ku dhexmartay Ilaalada madaxtooyada wadanka jabuuti iyadoo ay halkaasi ku dhaawacmeen laba ruux oo uu kamid yahay Dakhtarka gaarka ah ee Madaxweeyne Ismaaciil Cumar Geele Dr Idiris Cabdi Galab.

Sida uu warbaahinta u sheegay lataliyaha dhinaca warbaahinta Najiib Cali daahir Madaxweeyne Ismaaciil Cumar Geele waxaa uu garoonka ka baxay 10 daqiiqo ka hor inta aanay tacshiirada isweeydaarsanin ilaaladiisa Madaxtooyada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in rasaasta ka dhexdhacday ilaalada madaxtooyada ay sababtoodu ahayd khilaaf dhexmaray Ilalada madaxtooyada taasi oo aan wali la shaacinin waxa ay u jeedadeedu ahayd.

Madaxweeyne Ismaaciil Cumar Geele oo Xilka wadanka jabuuti hayay muddo 15 sano ah ayay arintani ku noqonaysaa dhibaato maadaama rasaastu ka dhex dhacday ilaaladiisa oo waliba ku sugnayd Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Jabuuti oo aad loo ilaaliyo.
Takhtarka Madaxweeynaha Dr Idiris Cabdi Galab ayaa loo qaaday isbitaalka isaga iyo shakhsigii kale eek u dhaawacmay iyadoo ay goor hore tahay in wax laga sheego xaaladooda caafimaad.