
Dhaq dhaqaaqii ganacsiga suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa ilaa iyo shalay hakad uu ku yimid, iyadoo ganacsatadu ay ka cabanayaan canshuuro laga qaado Taasi Oo Ay Ku Sheegeen In Ay Culeys Ku Tahay Maadaama Ay Carabka Ku Dhufteen In Dhowr Meel Looga Qaado Canshuurta.
Cabashada ayaa sidoo kale ka jirtay suuqa labaad ee ugu weyn Magaalada Mudisho,Ee Suuq Bacaad Weyna Sheegeen Ganacsatada Suuqaasi In Ay Iyana Ka Cabanayaan Canshuurta Zaa’idka Ah Oo Ay Dul Dhigeen Ciidamada Dowlada.
Dhinaca kale, dowladda Somalia ayaa sheegtay in cabashadaasi ay soo gaartay isla markaana xal laga gaaray Hase Yeeshee Wali Ma Jirto Warar Ku Aadan In Ganacsatada Iyo Madaxda Dowlada Ay a Wada Hadleen Arimo Ku Saabsan Cabashadooda.




