NIN ku qornaa is QARXIN oo bixiyay SIRTA iyo NOLASHA Al Shabaab+VIDEO

0
644

Wiil ka mid ahaa Dagaal yahanada Ururka Al Shabaab ku dhawaad 3 Sano ayaa shacaa ka qaaday Sirta iyo Nolashada Al Shabaab kadib markii Wiilkaasi lagu soo qarxay in uu isku miidaamiyo Magaalada Muqdisho.

Waxuu Wiilkan sheegay in uu mar isku dayay ka soo baxsashada Ururka Al Shabaab laakiin dadaal dheer kadib waa la ogaaday waxaana loo taxaabay Xabsi intaa kadib Willkan waxuu xirnaa muddo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu soo hadal qaaday si maskaxda loogaxado in laga dhigay Amiir islamarkaana uu Taliye u ahaa ku dhawaad 10 Ruux oo ku shaqeeya Amarkiisa balse Wiilkan ayaa ku mashquulsanaa qaabkii uu uga soo baxsan lahaa Al Shabaab.

Waxuu sheegay iyadoo Maalin Khamiis ah in lagu soo qoray Subaxda Sabtiga in uu iskku Qarxayo Xarun muhiim u ah Dowladda Federaalka Soomaaliya balse Wiilkan ayaa ka soo goostay Al Shabaab isgoo ka fekeraya Mustaqbalkiisa.

“Waxaa cunaa Cambuulo aan Saliid la heyn iyo Barii maalin dhaaf, 3 Waqto toos waxba looma cuno, Nolashuna aad bey u liidataa markii aad ka tirsan tahay Ururka Al Shabaab” ayuu qeexay.

Sikastaba, Wiilkan oo da’ahaan jira 19 oo ku qornaa is qarxin ayaa ka soo goostay waxuuna fashiliyay Nolo Xumida ka mid ahaashaha Al Shabaab iyadoona xusid mudan in Dhalinyaro badan oo Maskaxda laga duufsaday in ay ku jiraan Al Shabaab.

IMG_0090-290x160