Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta kulan ku leh Xarunta Golaha Shacabka

0
391

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ku kulmaya Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, waxaana ay ka hadlayaan arimo ku aadan Xeer Hoosaadka Baarlamaanka.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo kamid ah Xoghaynada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in sidii balanta aheyd maanta uu dhacayo kulankii Xildhibaanada Baarlamaanka ee arimaha Xeer hoosaadka looga hadlaye.

Aragtida Xildhibaanada ayaa la uruuriyay Arbacadii iyadoo guddi loo xilsaaray Aragtida Xeer Hoosaadka ee Xildhibaanada waxaana fursad loosiiyay muddo labo cisho ah inay katalo keenaan, iyadoo maanta looga fadhiyo arintaasi.

Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa tilmaamay in hadii Xeer Hoosaadka Baarlamaanka Soomaaliya la meel-mariyo uu noqonayo mid xakameeyo maqnaanshaha badan ee Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Fadhiyadii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka ay ku yeesheen xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, waxaa inta badan shaqooyinka Baarlamaanka loo qaban waaye, Xildhibaanada oo Kooramka loogu talo galay aan kusoo xaadirin, halka qaarna inta yimaadaan oo ay isdiiwaangeliyaan, kadib iska tagi jiray.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaalo sharciyo badan oo ku aadan Wasaaradaha kala duwan ee Xukuumadda, waxaana sharciyadaasi kamid ah Xeerka la dagaalanka Argagixisada.5