LAHEYSTAYAAL LAGA SIIDAAYAY GACANTA BURCAD BADEEDA OO QOYSASKOODA LA MIDOOBAY

0
376

Qaar kamid ah laheystayaal ay gacanta ku hayeen muddo sanado ah kooxaha burcad beeda Soomaalida ayaa dib ula midoobay qoysaskooda kadib markii ay ka degteen garoonka diyaaradaha ee dalka India.

Dadka ay sii daayeen kooxaha burcad badeeda ayaa ka sheekeeyay waxyaabihii ay kala kulmeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

“Waligey ma iloobayo bilihii aan gacantooda ku jiray aniga iyo asxaabtii kale ee nala soo badbaadiyay, burcad badeeda wey na jirdileen, waxay iigu hanjabeen inay I dilayaan haddii waalidiinteyda aysan bixin madax furasho”sidaasi waxaa yiri mid kamid ah laheytayaashii oo u dhashay dalka India.

Wuxuu sidoo kale sheegay in hortiisa lagu dilay saaxiibkiis, ayna ku dhifteen seddex xabad, iyagoo meydkiisa ku hayay qaboojiye ama firinjeer, laakiin markabkii uu ka quusay, sida uu sheegay.
20835
“waxaa jiray maalmo aysan cunto na siin jirin, maalin kastaana wey na garaaci jireen”sidaasi ayuu yiri, waxayna ka koobnaayeen 23 shaqaale oo 7 u dhalatay Pakistan la sii daayay labo sano ka hor markii walidiintooda ay bixiyeen 2.85 Milyan oo madax furasho ah, iyadoo sabtidii la daayay 11 kale.

Sidoo kale labo kamid ah dadkaasi lasii daayay oo u dhashay dalka Sri Lanka ayaa dhankooda la midoobay qoysaskooda, waxaana sidaasi sheegay wasiirka arimaha dibada iyo xiriirka caalamiga ee dalkaasi.

Waxaa sidoo kale qoysaskooda dib ula midoobay labo ruux oo u dhashay dalka Bangaladesh oo ka mid ahaa badmaaxiintii lagu heystay dalka Soomaaliya.