Madaxadweynha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo Xalay Qudbad ka jeediyey Munaasabad lagu Xusayo 26-juun oo ah Markii Gobolada Waqooyi ay ka Xoroobeen Guumiystihii Ingiriiska ayaa Arrimo badan ka hadlay.
Xasan Sh Maxamuud ayaa ugu horeen ka hadlay Qaabka Soomaaliya ay u soo gaartay Xotiyada iyo Dhibaatadii ay u mareen Halgamayaashii Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Midoobaan oo uusan Kalo go Faa’ido la hayn.

Waxaa uu sigaar ah Baaq ugu diray Maamulka Soomaaliland oo uu ugu baaqay in ay ay Walaalahod ay dib ugu soo laabtaan.
Xasan Sh ayaa sidoo kale sheegay in Dowladdiisa ay ka shaqeyn doonto Mideynta Ummadda Soomaaliyeed oo mudoyinkii danbe uu Mugdi ku jiray meelaha qaar.
Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay dhibaato badan soo martay islamarkaana sidii hore Soomaaliya ay ka wanaagsantahay.




