Amisom ayaa waxa ay digniin ka bixisay amnidaro ka dhalata khilaafaadka Siyaasadeed ee ka taagan aqoonsiga maamulka Saddexda Gobol oo 23-kii Bishan Dowladda Federaalka Soomaaliya Madaxtooyada Muqdisho ay ku aqoonsatay.
Afhayeenka ciidamada Amisom Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay inay ka digayaan amnidaro ka dhalata arimahaasi, waxaana uu sheegay in Doorka Amisom marwaliba uu yahay sidii shacabka Soomaaliyeed ay nabadgelyo ku heli lahaayeen.
Xaamud ayaa tilmaamay inay maqlayaan muran siyaasadeed ka taagan arimaha ku aadan maamulka saddexda Gobol, sidoo kalena cadeeyay in Mowqifkooda marwaliba uu yahay taageerida go’aanka ay Dowladda ka qaadatay maamuladaasi.
“Ciidanka Amisom wax si gaar ah uquseeyo ma’ahan laakiin nabadgalyo la’aan ayeey keeni karaan khilaafaadka Siyaasadeed Amisom talada Dowladda ayeey garab joogta marwaliba, inagu shaqadeena waa ammaanka inaan ka fekernaa”Ayuu yiri Afhayeenka ciidamada Amisom.
Amisom ayaa waxa ay sidoo kale beenisay inay dhinac gaar ah la safantahay Maamuladii Dowladda ay sheegtay in lagu heshiisiiyay Madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah maamulkii lixda Gobol iyo Maamulka saddexda Gobol.
Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee Amisom Col. Cali Aadan Xumad ayaa wareysi uu siiyay Idaacada Goobjoog ee Magaalada Muqdisho, ku sheegay warar been abuur oo sal iyo raad aan laheyn wararka sheegaya in Amisom ay la safan tahay mid kamid ah maamuladii Baydhabo looga dhawaaqay.
Col. Xumad wuxuu meesha ka saaray haba yaraate inaysan jirin wararkaasi, Amisom aysan shaqo ku laheyn arimaha ku aadan siyaasada Maamul Gobaleedyada, waxaana uu sheegay shaqada Amisom ay dalkaan ujoogay inay tahay wax iska cad oo aan daah saarneyn sida uu yiri.
Afhayeenka ciidamada Amisom ayaa cadeeyay in iyagu ay taageersan yihiin marwaliba go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadatay maamuladaasi, maadaama talada dalka ay gacanta ku hayso Dowladda Federaalka.
Muran iyo Khilaaf Xoogan ayaa ka taagan Aqoonsiga Dowladda ay aqoonsatay Maamulka Saddexda Gobol, waxaana Wasiirka arimaha gudaha uu maamulkaasi ku tilmaamay mid aan sharci aheyn oo Wasaaradiisa aysan waxba kala socon.




