SHEEKH MAXAMED IDIRIS OO MOMBASA LAGU TOOGTAY

0
81

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Magaalada Mombasa ee dalka Kenya Koox hubeysan oo aan la garaneyn ayaa aroornimadii saakay magaaladaasi waxa ay ku dileen wadaad caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Sheekh Maxamed Idriis.
Sheekh Maxamed Idiris ayaa waxaa lagu dilay Xaafada Likoni ee Magaalada Mombasa sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen, waxaana Sheekha uu xilligaasi kusii jeeday Masaajidka oo ku dukan rabay Sallaada Subax.

Sheekh Maxamed Idiris ayaa meydkiisa waxaa la geeyay Isbitaalka Pandya Memorial ee magaalada Mombasa.

Madaxa waaxda dambi baarista magaalada Mombasa Henry Ondieki ayaa sheegay inay ka shaki qabaan in dilka ay ka dambeeyaan dad si wanaagsan u garanaya marxuumka, ayna wadaan baaritaan lagu ogaanayo dambiilayaasha.

Wadaadka saaka aroortii lagu dilay Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa xilli horay waxaa la sheegay inuu muujiyay walaac ku aadan in la dilayo, maadaama dhalinyaro kala duwan ay ujeediyeen Hanjabaad ku aadan inay dilayaan.

Sheekha Saaka la toogtay ayaa wuxuu ahaa madaxa golaha imaamyada iyo ducaadda muslimiinta Kenya.

Booliiska ayaa ilaa hada baaritaan ku aadan cidii ka dambeysay dilka loo geystay Sheekhaasi.

Magaalada Mombasa waxaa si joogto ah uga dhaca dilalka kala duwan ee loo geysto wadaada Muslimiinta ah ee dalkaasi ku nool.

20771