Dagaal ka dhacay Sh.Hoose // Sarkaal sare oo lagu Dilay

0
311

inta la ogyahay 6 askari oo mid ka ah uu yahay sarkaal ayaa ku geeryooday kadib dagaal khasaare gaystay oo dhex maray askar kawada tirsan ciidmada Milatariga oo ka dhacay deegaanka warmaxan ee gobolka Shabeelaha hoose

Sarkaalkan geeriyooday ayaa magaciisa lagu sheegay Yuusuf cali indhoole,waxana ilaa iminka la ogayn sababata rasmiga ah ee ka danbeysa dagaalkan maanta ka dhacay deegaanka Warmaxan ee gobolka shabeelaha hoose

Waxaa mudooyinki ugu danbeysay soo badanayay dagaalada ceynkan oo kala ah ee dhex mara ciidamada kawada tirsan dowlada soomaaliya, kuwaasoo inta badana ay waxyeelo ka soo gaarto dadka rayidka ah ee ku dhaw dhaw meelaha ay isku farasaaraan.download-1-300x159