XILDHIBAAN CUMAR FINISH OO WEERARKA BAARLAMAANKA KU DHAAWACMAY

0
308

Xildhibaan Cabdi Samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo kamid ahaa Xildhibaanadii Baarlamaanka ee ku jiray dhismaha xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Wareysi uu siiyay Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayuu Xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud wuxuu ku xaqiijiyay inuu dhaawac yahay Xildhibaan Cumar Finish oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan.

Xildhibaan C/samad Macalin ayaa sheegay in sidoo kale uu arkaye ciidamo ka tirsan Booliiska Dowladda Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo qaarkood dhaawacmay kuwa kalena ay dhinteen.

Wuxuu kaloo sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya intooda badan la bad-baadiyay oo laga saaray dhismaha xarunta Golaha shacabka, gaar ahaan dhabarka dambe ee Golaha shacabka albaab ku yaalo.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku dhaliilay inay ku fashilantay ammaanka Magaalada Muqdisho oo aysan wax ka qaban.20436