Wasiirkii Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya C.kariin Xuseen Guuleed oo Xilka iska Casilay

0
328

C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirkii Amniga Qaranka Xukuuumadda Soomaaliya waxuu ku fashilmay howlaha amni ee loo xilsaaray kadib markii maanta Ururka Al Shabab ay si cad ula wareegeen Xarunta Golaha Shacabka oo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay kulan ku lahaayeen.

Waxaa sidoo kale ka horeeyay Weeraro is xig xigay oo Muqdisho Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay ka fuliyeen kuwaasi oo lagu Dilay Mas’uuliyiin ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerarada Wasaarada amaanka ay ku fashilantay waxaa ka mid ahaa Weeraradii ka dhacay Maxkamada Gobolka, UNDP oo Shaqaale ka tirsanaa Qaramada Midoobay lagu Dilay, kii Madaxtooyada Soomaaliya oo lagu sigay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Weeraro kale oo ka dhacay Xarumaha Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee Magaalada Muqdisho.

C/kariin Xuseen Guuleed, Wasiirkii Amniga Qaranka Xukuuumadda Soomaaliya waxuu ka tirsan yahay Koox Diimeedka DHAMJADIID oo Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Cadaalada Faarax C.qaadir ay Xubno ay ka yihiin.

C.kariin Xuseen Guuleed iyo Faarax C.qaadir waxey ahaayeen labada Wasiir oo kaliya ee Xukuumaddii Baarlamaanka kalsoonida kala laabtay kaga soo biiray Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya.

C.kariin Xuseen Guuleed markii la kala qaaday Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga, C.kariina loo magacaabay Wasaarada Amniga islamarkaana Hay’addaha Amaanka la sheegay in ay la shaqeenayaan Guddoomye kasto oo Gobol kuma uusan qanacsaneyn Xilka Wasaarada Amniga kadib markii Saraakiisha amaanka la hoos geeyay Guddoomiyeyaasha Gobolada.

Iscasilaada Wasiir C.kariin Xuseen Guuleed ayaa lagu badbaadinayaa awooda DHAMJADIID maadaama Madaxweynaha Soomaaliya siyaasad ahaan uu fashilmay Iyadoona Iscasilaadiisa lagu qaldayo Beesha Caalamka.

Arintan oo kale waxey dhacday xiligii Dowladda KMG aheyd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo Kooxdii Alla-Sheekh oo Fashil badan Dowladda u keentay Siyaasad ahaan Madaxweynahuna u arkay in Kursigiisa uu ku badbaadin karo in aan Xil loo dhiibin Xubnaha Kooxdii Alla-Sheekh.

Wasiirkii hore ee Amniga C.kariin Xuseen Guuleed ma wareejin doonaan Hantida Dowladda Soomaaliya uu gacanta ku hayo Dowladda se ma kula xisaabtami doontaa Wasiirka Dhibaatooyinkii dhacay inta Xilka uu hayay iyo kuwa Isaga uu ka geystay Magaalada Muqdisho iyo Degaanada kale ee Dowladda gacanta ku hayso.

Inkastoo C.kariin Xuseen Guuledd uu is casilay Maxey tahay Taaalabada Madaxweynaha Soomaaliya uu sameyn doono maadaama uu Baarlamaanka ka yaalo Mooshin, Xildhibaanaduna ay sheegeen in Siyaasad ahaan uu fashilmay Madaxweynmaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.IMG_48592B-7413DA-02ECD5-68BA08-EBBEE0-6BD12E