Xiisado ka taagan Baladxaawo iyo doolow ee G.Gedo.

0
484

Waxaa dhaq dhaqaaq Ciidan laga dareemayaa degmada Doolow ee Gobolka Gedo halkaas oo ay gaareen Saraakiil ka tirsan Maamulka KMG ah ee Jubba.

Saraakiil uu hoggaaminayo Korneel Fartaag Madaxweyne ku xigeenka Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa gaaray degmada doolow iyadoo la dareemayo dhaq dhaqaaqyo iyo Xiisado u dhexeeya Ciidanka dowladda iyo kuwa Maamulka KMG ah ee jubba ee ku wada sugan degmadaasi.

Xubnahani ka tirsan Maamulka KMG ah ee jubba ee iyagu gaaray degmada doolow ayaa la filayaa in ay fooda aadiyaan degmada Baladxaawo oo Maalmihii dambe ay xiisado ka jireen halkaasi oo iyana la sheegayo in uu gaaray abaan duulaha Ciidanka dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo Korneel Cabaas iyo Ciidamo la socdo.

Xaaladda deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo ayaa Maalmihii aynu ka soo gudubnay aad u kacsaneed iyadoo dagaallo soo noq noqday ay ka dhacayeen qeybo deegaanadaasi ka tirsan sida Baladxaawo.Raaskambooni-150x150