Makamad Maraykanka ku taala oo xukun ku riday Burcad badeed Soomaali ah

0
481

Maxkamad ku taalla gobolka Verginia ee dalka Mareykanka ayaa xukun gaaraya 41 sano ku riday Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Maxamad Cali Saciid oo 30 sano jir ah islamarkaana loo haysto burcad badeednimo.

Maxamad Cali Saciid ayaa lagu helay dambi ah in isaga iyo 5 kale oo Burcad badeed Soomaali ah ay bishii April sanadii 2010 ay weerareen Markab lagu magacaabo Ashland.

Burcad badeed uu ku jiray Maxamad Saciid ayaa la sheegay in ay soo weerareen Markabka ayna u maleeyen in uu ahaa Markab ganacsi balse uu ku noqday Markab dagaal sidaasina gacanta loogu dhigay.

Maxamad Cali Saciid ayaa sidoo kale dambiyadda loo hasyto waxaa ka mid ahaa weerar kale oo lagu qaaday Markab laga lahaa Wadanka Ingiriiska.

Maxkamadaan ku taala gobalka Verginia ee dalka Maraykanka ayaa sidoo kale maalintii arbacada ahayd xukun ku riday nin kale oo Soomaali ah oo isna lagu Magacaabo Cabdirisaaq Abshir Cusmaan kaas oo lagu xukumay 30 sano, halka Maxamad Faarax oo ah qofkii Sadexaad ee Maxkamadu isna ku xukuntay 32 sano oo xariga ah.

Jackson oo ah qaaliga Maxkamada ayaa ugu dambayn amar ku bixiyay in laamaha Socdaalka dalka Maraykanka ay dib ugu celiyaan Burcad badeeda Soomaalida ah dalkooda hooyo ee Soomaaliya markay dhamaystaan xukunada lagu riday.Xukun-Maxkamad-150x150