Nicholas Kay Wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya oo la hadlay Tv,ga Al-Jazeera qeybta luuqada English,ka wax ku tabiya ayaa waxaa uu sheegay in Xarakadda Al-Shabab oo lagu jabiyay dagaalka Soomaaliya ka socda haddana ay yihiin kuwo willi halis ku ah amaanka dalka sida uu yiri.
Nick Kay waxaa uu sheegay inay wax cad tahay in awooda Al-Shabab si weyn loo wiiqay oo laga saaray magaalooyin muhiim u ahaa oo ku yaala bartamaha iyo koofurta Soomaaliya hase ahaatee waxaa uu xusay inay yihiin awood halis galin kara amaanka hadda jira.
Danjiruhu uu waxaa mar kale ka digay weeraro ay Al-Shabab ka geystaan gudaha Soomaaliya.
Waraysiga uu Nicholas Kay siiyay Tv,ga Al-Jazeera waxaa uu ku sheegay in dawlada Soomaaliya iyo hawlgalka AMISOM ay waqti badan ku bixinayaan sugida amaanka dalka oo dhan haddana waxaa uu is tusay in halista Shabab willi jirto.
Ujeedka ka dambeeya in awood la galiyo dagaalka Al-Shabab ka dhanka ah ayaa waxaa uu ku sheegay inay tahay iyagoo oo halis ku ah amaanka Soomaaliya iyo wadamada xaduudaha la leh.
Wakiilka Q,M u qaabilsan arrimaha Soomaaliya dhawr jeer ayuu walaac ka muujiyay xarakadda Al-Shabab oo uu ku tilmaamay kuwa halis ku ah amniga Soomaaliya.




