Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in maamulka KMG ah ee Jubba uu burburiyay dhismooyin sharci dara ah looga dhisay nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.
Gudoomiyaha Degmada Kismaayo Maxamed Ibraahim Timajilic ayaa sheegay in howlgalkan lagu burburiyay dhismayaal sharcidarro ah oo laga dhistay nawaaxiga garoonka diyaaradaha.
Mr. Timajilic ayaa ku hanjabay iney sii wadi doonaan howlgallada lagu banneeynayo dhamaan dhismayaashii iyo dhulalki ay laheyd dowladda, isagoo dignin ujeediyay dadka dukumintiyada been abuurka ah u sameeysta goobaha danta guud.
Ugu dambeyntii guddoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in howlgalkani uu qeyb ka yahay qorshayaasha maamulka degmada uu sare ugu qaadayo bilicda iyo nadaafada guud ee magaalada Kismaayo.




