UGANDA OO KA CABSI QABTA WEERARO SHABAAB AY KA GEYSTAAN DALKEEDA

0
526

Booliska dalka Uganda ayaa soo saaray digniin dhanka amaanka ah, kadib markii qaraxyo ay maalmahaan ka dhacayeen dalka ay deriska yihiin ee Kenya, oo ay ku dhinteen dad badan kuwo kalana ay ku dhaawacmen.
Afhayeenka ciidamada booliska dalka Uganda Fred Enanga oo la hadlay wakaalada Wararka Xinhua ee dalka China ayaa sheegay inay ciidamada booliska ay kordhiyeen feejignaantooda dhanka amaanka ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada booliska goobaha ay feejignaanta kaga jiraan ay kamid tahay caasimada dalkaasi Kampala iyo magaalooyinka kale ee waaweyn ee ku yaala dalka Uganda.

“Waxaan soo saarnay digniin dhanka amaanka maanta, tani waxay daba socotaa qaraxyadii Sabtidii ka dhacay dalka aan deriska nahay ee Kenya, waan og nahay Alshabaab waxay doonayaan inay na bartilmaameydsadaan”sidaasi ayuu yiri mr Enanga.

“Waxaan ka dalbanay dadweynaha inay aad u taxadaraan ayna laga caawiyaan nagu soo wargelinta dhaqdhaqaaqyada amniga ka hor imaanaya”sidaasi ayuu yiri mar kale afhayeenka booliska Uganda.

Wuxuu sheegay in milkiilayaasha Kaniisadaha, goobaha tagaasida, baraha laga raaco gaadiidka basaska, suuqyada, baararka iyo kalaabyada, inay si dhaw ula shaqeeyaan ciidamada booliska, si ay kaga hor tagaan amni darada.

Dowlada Uganda ayaa wajahaysa hanjabaado badan oo kaga yimaada Alshabaab, oo doonaya in ciidamadeeda ay kala baxdo dalka Soomaaliya, kuwaasi oo kamid ah ciidamada nabad ilaalinta.

“Labadii bil ee lasoo dhaafay, ciidamadeeda ka hor taga argagixisada ee booliska iyo hayadaha amaanka waxay heleen warbixino dhanka amaanka oo la qorsheynayay in weeraro looga geysto Caasimada iyo meelo kale”sidaasi ayuu yiri afhayeenka booliska Uganda.

Alshabaab ayaa Jully 11 2010 waxay weeraro qaraxyo ka geysteen dalkaasi Uganda, iyadoo ay ku dhinteen inka badan 80 ruux.
20134