Siyaasin Caan ah oo dhulka ku Jiiday Madaxweyne Xasan sheekh + Fashilaad

0
34

Gudoomiyaha Isbaheysiga nabada Soomaaliyeed C/llaahi Shiikh Xasan oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyey baaqii shalay xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia ay u jeediyeen madaxweynaha kaasoo ku saabsanaa inuu iska casilo.

C/llaahi Shiikh Xasan ayaa sheegay in dhamaan dhaliilaha ay xildhibaanadu cuskadeen ay yihiin kuwo saxan oo madaxweynuhu ku sifoobay, isagoo xusay in ka xisbi ahaan ah horey ugu celceliyeen wax badan, ayna hadda ku faraxsan yihiin in lala arkay waxqabad la’aanta madaxweynaha.

“Waan soo dhoweynaynaa bayaankii ay shalay soo saareen xildhibaanada qaarkood ee ku baaqayey in madaxweynuhu iscasilo, si dalka loo badbaadiyo, maadaama isaga iyo tiimkiisa ay wax qaban waayeen ku dhowaad labadii sano ee ay meesha fadhiyeen” ayuu yiri C/llaahi Shiikh Xasan.

nabad_1

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa C/llaahi Shiikh Xasan waxaa uu ugu baaqay madaxweynaha inuu u dhega nuglaado baaqa loo jeediyey, dalkuna uusan u horseedin inuu galo khal khal siyaasadeed iyo iskooxeysi si loo ilaaliyo midnimada iyo hanaanka dowladnimo.

“Haddii wax la qaban waayey ee madaxweynuhu soo jeediyey in la bedelo xukuumadii Saacid hase ahaatee markii iyadii la bedelayna wax waa qabsoomi la yihiin, waxaa haboon in madaxweynuhu kursigu baneeyo maadaama dalabkaas uu ka yimid in xildhibaanadii codkooda siiyey markii hore” ayuu yiri C/llaahi Shiikh Xasan.