Mareykanka oo arin layaab leh Dowladda ka saacidaya

0
444

Wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda faderaalka Soomaaliya xarunta ay ku leedahay Muqdisho ayaa dhawaan waxaa laga hirgaliyey laba xarumood oo loogu talagalay keydka iyo dayactirka hubka,tallaabada ayaa waxaa soo dhaweysay dowladda Marekanka oo sheegtay inay tahay mid looga bixikaro dayaca hubka dowladda.

Warbixino dhowr mar soo baxay waxaa lugu dhaliilay dowladda Soomaaliya hubka la siiyo inay u gacan galaan kooxaha nabadda diidan ee ay Al-shabaabku ka mid yihiin,waxaana jirtay in horay loo sheegay arrinta inay kentay jiritaan la’aanta keyd hub oo aysan dowladdu lahayn.

Dowladda Marekanka waxaa ay dhinaceeda sheegtay inay xukuumadda Muqdisho ka taageeri doonto kobcinta keydka iyo goobaha loogu talagalay in lgu dayactiro.

…”””Waxaan doonayna qorshahana noogu jira mashruu lugu doonayo in siddeed xarumood oo keyd hub ah looga hirgeliyo Muqdisho,waxaana dowladda ugu hambalyeenayna hirgalinta keydka hubka,..””‘ayuu yiri James P. McAnulty oo ah wakiilka gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Mashruuca waxaa gacanta ku heysa koox lagu magacaabo MAG oo dhiseysa xarumaha keydka hubka, waxaana la rajeynayaa in lixda keyd ee kale lagu hirgeliyo saddexda illaa lixda bilood ee soo aaddan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Mareykanka ee Soomaaliya.

Soomaaliya kama jirin waxii kadanbeeyey dowladdi dhexe ee burburtay xarun lagu keydiyo hubka,waxaana in muddo ahba ay beesha caalamka walaac ka muujinaysay in hubka dowladda ay gasho gacan aan loogu talagalin.

James-P.-McAnulty-150x150