TALYAANIGA OO KU HANJABAY INUUSAN MAGANGALYO SIINEYNIN DADKA TAHRIIBAYAASHA AH

0
235

Dowlada Talyaaniga ayaa hanjabaad u jeedisay dadka magan galyo doonka ah ee ka gudbaya dalkaasi haddii aaney helin caawinaad dheeri ah si looga hortago dadkaasi oo gaaraya dalka Talyaaniga, kadib markii dad badan ay ku dhinteen xeebaha dalkaasi Talyaaniga.

Wasiirka arimaha gudaha Italy Angelino Alfano ayaa dalbaday caawinaad dheeri ah oo ay ka helaan dalalka kale ee Yurub kuwaasi oo xuduudaha la leh Talyaaniga, si ay kaga caawiyaan soo galootiga badan ee gaara dalkaasi.

Wuxuu ku hanjabay inay dadkaasi u ogolaan doonaan inay gaaraan oo ay u gudbaan dalalka kale ee qaarada yurub ayna jibinayaan sharciyada ka yaala magangalyo doonka ah.

“Waxaan u ogolaan doonaa inay u gudbaan dalalka kale, haddii kale ha nalaga caawiyo dadkaasi”sidaasi ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha ee Talyaaniga, wuxuuna sheegay in badankood dadkaasi ay qaxooti ahaan ugu noolaadaan dalkaasi.

Wasiirka ayaa ka dalbaday wadamada kale ee Yurub inay faragelin ku sameeyaan dowlada Libya taasi oo ku aadan inay joojiso muhaajiriinta ka tageysa dalkaasi una sii gudbaya dalalka Poland iyo Talyaaniga “Italy”.

Wasaarada ayaa sheegtay in ku dhawaad 36,000 oo muhaajiriin ah ay tageen dalkaasi sanadkaan 2014, kuwaasi oo u kala dhashay Soomaaliya, Eritrea iyo Syria, waxaana dhanka kale uu sheegay inay ka badan karaan sanadkii 2013.

Maalmo ka hor ciidamada ilaalada xeebaha dalka Talyaaniga ayaa badbaadiyay dooni ay saarnaayeen dad muhaajiriin ah oo ka tagay dalka Libya, kuwaasi oo doonidii ay saarnaayeen kula qalibantay xeebaha dalkaasi.20250