FAYSAL CALI WARAABE OO DOWLADDA SOOMAALIYA KU EEDEEYAY INAY FASHILANTAY

0
243

Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka Soomaaliland Eng Faysal Cali Waraabe ayaa dhaliil culus usoo jeediyay Dowladda federaalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan aheyn Dowlad shaqeysa balse caalamka ay ka haysato aqoonsi ku aadan Dowladnimo.

Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku fashilantay arimo dhowra ah oo ay kamid yihiin arimaha Kismaayo, oo uu sheegay in Kenya ay Qunsul ay usoo dirsatay Magaalada Kismaayo, isaga oo tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay arimahaasi waxba kala socon.

Eng Faysal Cali Waraabe Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID ee Soomaaliland, ayaa mar uu ka hadlaye arimaha ku aadan Maamul Gobaleedyada dalka Soomaaliya, wuxuu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed laga rabo inay tashtaan oo ay ka fekeraan aayahooda.

Ugu dambeyn Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay arimaha ku aadan Maamulka Soomaaliland iyo Puntland, isaga oo sheegay in hadii isaga taladiisa ay ahaan laheyd uu sameyn lahaa, xilligii Soomaaliland ay qabsaneysay Laascaanood inuu qabsan lahaa Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Hogaamiye Faysal Cali Waraabe ayaa ah Siyaasi Mucaarad ah oo aan hadalada la gamban, balse mucaaradnimadiisa ay tahay kaliya afka oo aysan aheyn mid adin iyo qori intaba.20253