Saraakiisha Maamulka KMG ah ee Juba oo cabasho ka ah Mushaar la’aan

0
463

Saraakiisha Ciidamada Maamulka KMG ah ee Juba kuwaasi oo hoosta Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa cabasho ballaaran ka muujiyay Mushaar la’aan ka heysta Maamulkaasi.

Saraakiishan oo siyaabo kala duwan ula hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada Maamulka KMG ah ee Juba in la kala diro sababo ay ku sheegeen mushaar yari muddo heysatay.

Waxaa ugu dambeyn, sidoo kale Saraakiisha ay Shabelle u sheegeen in Lacagaha laga helo Garoonka iyo Dekada Kismaayo in si Shaqsi ah ay u isticmaalaan Shaqsiyaad ku dhow dhow Mas’uuliyiinta Maamulka KMG ah ee Juba.
1