Golaha Wasiirda oo kulan amniga looga hadlay ku yeeshay Muqdisho+SAWIRO

0
482

Shirkan Golaha Wasiirada maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C.wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa markii uu soo idlaaday kadib waxaa Saxaafada kaga warbixiyay Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Ridwaan Xaaji C.wali.

Ridwaan Xaaji C.wali, Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Kulanka looga hadlay Xaalada guud ee Soomaaliya Isagoona sidoo kale tilmaamay in Golaha uu 24 saac gadood u qabtay Gudi hoosaadka Amniga in ay ku keenaan Qorsho Cad oo ku aadan amaanka Magaalda Muqdisho.

Dhinaca kale, Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa xusya in Golaha Wasiirada ay maanta ansixiyeen Gudi madaxbanaan oo dib u eegis ku sameeya Dastuurka Dalka Soomaaliya gudigaas oo ka kooban ilaa iiyo 5 Xubnood.

Ugu dambeyn Ugu danbayn Ridwaan Xaaji C.wali, Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Hay’addaha amaanka ay baaritaano ku sameeyaan Dil loo geystay maalmo ka hor Muwaadin ka soo jeeda Dalka Turkiga waxuuna qeexay Cidii loo soo qabto in Cadaalad la horkeeni doono.

IMG_4818 IMG_4804 IMG_4800 IMG_4798 IMG_4779 IMG_4796 IMG_4798 (1)IMG_4818-150x150