Maxkamad ku taala dalka Mareykanka ayaa xukun ku riday haweenay Soomaaliyeed oo lagu helay taageero siinta rag ka tirsan Al-Shabaab.
Saynab Xuseen oo ah 24 sano jir degenaansho kuleh magaalada Nashville ee gobalka Tennesee, ayaa qiratay inay been ka sheegtay taageeradii ay u fidisay dhalinyaro ka tagay Maraykanka oo ku biiray Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.
Saynab ayaa lagu xukumay Sadex sano oo xabsi (Banaan Joog ah) kadib markii ay qiratay danbigeeda, isla markaana codsatay cafis.
Xaakimka Maxkamada Minneapolis Michel Davis ayaa haweenaydan Soomaalida ah ku xukumay inay todobaad walba sameyso shaqo lagu caawinayo jaaliyada iyadoo ka qeyb qaadaneys wacyi gelinta khatarta ay Argagaxisada leeyihiin.
Saynab Xussen ayaa loo khafiifiyey xukunkii lagu ridi lahaa kadib markii bishii Agoosto ee sanadkii hore 2013 qiratay inay ka qeyb qaadatay ololihii lacagta loogu aruuriyey dhalinyaro badan oo ka tagay gobalka Minnasota oo ku biiray dagaalada ka socda gudaha Soomaaliya.
Maxkamada Maraykanka ayaa horey xukuno dhaadheer ku riday rag lagu eedeeyey inay u shaqeenayeen Al Shabaab si loo diro dhalinyaro badan oo ku biirta kooxdaasi, waxaana qaarkood lagu xukumay xabsi ka badan 30 sano.




