15 May oo Manta lagu xusay Muqdisho

0
535

Kadib munaasabad ballaaran oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Dhalinayarada iyo Sportiga ee Xukuumadda Soomaaliya islamarkaana ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul Wasaaraha Dalka, Wasiiro, Mudanyeyaal ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Xubno kale oo ka socda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta waxey ka dhacday Degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabada oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa Dhalinyarada qeybeheeda kala duwan waxy wateen Boorar waxaan socdaal ay marayeen Barxada Garoonka halkaasi oo lagu soo bandhigay Suugaan ka turjumeysay wax qabadkii Dhalinayarad SYL iyo kuwa haatan jooga.

Guddoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Imaam Nuur Iikar oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in uu lumay magaciii Dhalinayarad SYL islamarkaana ugu baaqay Dhalinyarada in ay dib u soo celiyaan Magacooda.

Ugu dambey, Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare Duqaale Aadan Maxamed ayaa o isna Munaasabadda ka hadlay ayaa dhankiisa qeexay in Xukuumadda gaar ahaan Wasaarada uu hogaamiyo ay ahmiyad gaar ah siin doonto.S1080108-150x150