Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay Isgoyska KM4 degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
Wariye ku sugan KM4 ayaa SomaliMeMo u sheegay in qarax xooggan lala eegtay gaari marayay agagaarka Aargada,wararka lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in qaraxa lala helay gaari uu watay sarkaal horay uga tirsanaa maamulka gobolka Banaadir.
Ciidamo katirsan DF-ka ayaa rasaas xooggan ku furay wadada waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dad shacab ah oo wadada marayay.
Cabdi Kaafi Hilowle Cusmaan oo ahaa xoghayihii dhanka ammaanka gobolka Banaadir ee maamulkii Tarsan ayaa qaraxa ku dhintay iyo 5 katirsan ciidankii ilaalada u ahaa,sarkaal katirsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa SomaliMeMo u sheegay in dilka C/kaafi ay iyagu mas’uul ka ahaayeen.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Cabdi Kaafi Hilowle uu wada shaqeyn wanaagsan lalahaa shirkadaha calooshood u shaqeystayaasha shisheeye ee Xerada Xalane ku sugan,sarkaalkan ayaa xiligii uu xilka hayay caan ku ahaa lahjada kulul oo ka dhan ah Al Shabaab iyo Mashruuceeda Jihaadiga ah isagoo ku sifeyn jiray “Argagaxiso xagjir ah”.
Qaraxan ayaa qeyb ka ah ammaan darada baahsan ee kajirta magaalada Muqdisho, xildhibaan katirsan baarlamanka DF-ka ayaa saaka ka badbaaday isku day dil oo lala doonayay in lagu khaarijiyay




