AL-SHABAAB OO SHEEGTAY MAS’UULIYADA QARAXII MAANTA LAGU DILAY C/KAAFI HILOWLE

0
451

Gudoomiyaha Al-shabaab ugu magaacaban gobolka Banaadir Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo galabta shir Jiraa’id qabtay ayaa ka hadlay qaraxii maanta lagu dilay xog-hayihii hore ee gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah askartii ilaalada u ahayd.

Qaraxa oo ka dhacay agagarka Aargada isgoyska KM4 Ee magaalada Muqdisho ayuu sheegay in Ciidankooda qaabilsan qaraxyada iyo ismiidaaminta ay ka danbeeyaan,isagoona sheegay in Al-shabaab si buuxda mas’uuliyadeeda u qaadeyso dilkii marxuum C/kaafi Hilowle oo horay kaga tirsanaa maamulka Tarsan ee xilka laga qaaday.

Sidoo kale,mas’uulkaan Shabaab u qaabilsanaa gobolka Banaadir ayaa tilmaamay inay ka danbeeyeen isku daygii saakay lala damacsanaa in lagu qaarijiyo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo gaarigiisa miino loogu xiray balse uu ka badbaaday.

Sheekh Cali Maxamed Xuseen ayaa hadalkiisa intaasi ku daray inay sii wadi doonaan beegsiga Mas’uuliyiinta ka tirsan Dowlada Soomaaliya iyo Saraakiisha ajanabiga eek u sugan Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.

Maanta duhurkii ayay ahayd markii Qarax lala eegtay gaari uu saarnaa xoghayihii hore ee gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle iyo askar wehlineysay.