DEG DEG: GAARI UU LEEYAHAY XILDHIBAAN BAARLAMAANKA KA TIRSAN OO XAMARWEYNE LAGU QARXIYAY

0
496

Gaari uu leeyahay Xildhibaan kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka lagu qarxiyay Degmada Xamarweyne ee Gobalka Banaadir, sida uu Xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne C/qaadir Maxamed C/qaadir.

Gaariga oo yaalay Banaanka hore ee Hoteel ku yaala Degmada Xamarweyne una dhaw Masaajidka Marwaas, ayaa la qarxiyay, markii sida la sheegay ragii waxyaabaha qarxa ku xiray ay qarxiyeen, isagoon aan saarneyn Xildhibaanka.

Xildhibaanka Gaariga lahaa, ayaa waxaa lagu magacaabaa C/laahi Axmed Xuseen, waxaana Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne oo dhacdadaan Idaacada Risaala u xaqiijiyay uu sheegay in dad badan oo goobta ku sugnaa ay usoo qabteen falka qaraxa.

C/laahi Axmed Xuseen oo ah Xildhibaanka gaarigiisa la qarxiyay ayaa saaka kusii jeeday Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo saaka fadhi ay ku leeyihiin Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Xamarweyne ayaa Xildhibaanada ku eedeeyay inay dayacan yihiin gaadiidkooda, lagana rabo inay meel la hubo dhigtaan baabuurta, isaga oo sheegay in xalay loo maleynayo in qaraxaan baabuurka lagu xiray.

Ciidamada ammaanka Dowladda ee qaabilsan dhanka Miino barista ayaa soo gaaray goobta, kuwaasi oo ka
sameeyay howgal, balse Guddoomiye C/qaadir ayaa sheegay in raga qaraxa ku xiray Baabuurka ay meelaha taagnaayeen sidaasi awgeedna ay u qarxiyeen baabuurkii, markii buu yiri ay ogaadeen inay fashilmeen.
Breaking-News